Eedeysane kenyaan ah oo lagu magacaabo Anthony Kamau ayaa lagu wadaa in loo musaafuriyo boqortooyada Ingiriiska si uu halkaasi ugu wajaho dacwad ku saabsan faraxumeynta carruurta.
17-kii bishan oo ku beegnayd Jimcihii la soo dhaafay ayaa tuhmanaha laga qabtay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Garsoore sare ,Wendy Kagendo ayaa shalay amartay in Kamau muddo toddobo cisho ah lagu hayo saldhigga ka hor inta aan loo gacan gelin maamullada Britain oo raadinayay.
Tuhmanaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu iska difaaco eedeymaha loo jeediyay hasa ahaate muunan ka soo horjeedsan go’aanka looga saaraya wadanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kamau uu gudaha Ingiriiska ku joogay damaanad balse uu soo baxsaday.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in shakhsigan uu laga soo billaabo 2005-tii faraxumeyn u gaysanayay gabdho yaryar.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii eedeysanaha lagu soo oogay ilaa afar dacwadood oo dembigan la xiriira.