DHAGEYSO:Boqolkiiba 12 ee shacabka Kamukunji oo qaatay tallaalka COVID-19

0
357

Wasaaradda caafimaadka ee dalka oo ka falcelinaysa kororka ku yimid xaaladaha maalinlaha ee cudurka COVID-19 ayaa sare u qaaday bixinta dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah caabuqa.
Hasa ahaate waxaa weli hooseysa qaadashada tallaalka ee dadweynaha ku nool deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi oo ay xaafadda Islii ka tirsan tahay.
Madaxa horumarinta adeegyada caafimaadka ee Kamukunji Beatrice Lugalia oo u warrantay warbaahinta Star ayaa faahfaahin ka bixisay tallaalka xaafadda ka socdo.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay sarreyso halista isqaadsiinta cudurka ee deegaanka oo ah goob ganacsi dhaqdhaqaaqana ku badan yahay.