In ka badan 5 qof oo ku dhintay dibadbaxyada Myanmar

0
672

Wararka naga soo gaaraya dalka Myanmar ayaa sheegaya in la dilay ugu yaraan 5 qof ka dib markii ciidamada booliska ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhowr qof oo kale ay dhaawacmeen.
Shacabka Myanmar ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay dhigayay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee dhacay 1-dii bishan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada difaaca ee dalkaas loogu baaqaya in ay talada dib ugu warejiyaan maamulkii shacabka ee ay ka faro maroojiyeen.