Saraakiisha ammaanka ee magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu ayaa xabsiga u taxaabay mid ka mid ah wadayaasha baabuurta ay dadweynaha raacaan ee loo yaqaano mataatuuda.
Tallaabada ay saraakiishu qaadeen ayaa timid ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal laga dhex arkaya ninkan oo jebinaya muraayadda baabuur ay haweeney wadatay.
Shirkadda Mataara Sacco oo uu eedeysanaha ka mid yahay howlwadeenadeeda ayaa raaligelin ka bixiyay falkii uu darawalku ku kacay
Eedeysanaha ayaa lagu wadaa in berri maxkamadda la soo taago.