Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa doonaya in guddoomiyihii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko loo fasaxo inuu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u tartamo xilka barasaabnimo ee Mombasa.
Waxaa uu Mr.Musyoka ku doodaya in Sonko uu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo loolanka siyaasadeed.
Hoggaamiyaha Wiper ayaa tusaale u soo qaatay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ay sanadkii 2013-kii hoggaanka dalka qabteen iyagoo wajahayay dacwad ka socotay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Earlier this morning, I accompanied Governor @MikeSonko as he and our @TheWiperParty sought to overturn an injustice. We believe in the age-old dictum of "presumption of innocence". We have refused to be "unheard". Let justice prevail. pic.twitter.com/SLATRU6ilC
— Kalonzo Musyoka (@skmusyoka) June 14, 2022