Ukraine oo codsatay hub dheeraad ah

0
382

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamadiisa ku sugan magaalada bari ee Severodonetsk iyo gobolka Kharkiv uu soo gaaray khasaaro wayn.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ciidamada Ruushka ee sare u qaaday howlgallada militari ay ka taag roon yihiin kuwa xukuumadda Kyiv.
Mas’uulkan ayaa waddamada reer galbeedka ee saaxiibbada la ah Ukraine ka codsaday inay u fidiyaan taageero dheeraad ah oo ku aaddan hannaanka la iskaga difaaco gantaallada riddada dheer.