Senatarrada aqalka sare oo ka walacsan kordhinta deynta ay dowladdu qaadan karto

0
287

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa walaac ka muujinaya tallaabo uu toddobaadkii hore baarlamaanka ku kordhiyay qiimaha deynta ay dowladdu qaadan karto.
Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa dowladda dhexe u oggolaaday in lacag dhan ilaa 10 Tiriliyoon ay shilin ay ka amaahan karto dowladaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga.
Hasa ahaate senatarrada wadanka ayaa sheegaya in la joogo xilligii arrintan laga fiirsan lahaa.
Waxay ku doodayaan inay lagama maarmaan tahay in deynta lagu leeyahay Kenya ay noqoto mid la maareyn karo.
Sidoo kale xubnaha aqalka sare ayaa dalbaday in sida habboon loo isticmaalo 6.9 bilyan oo shilin oo loo qoondeeyay 34 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka.