Kenya oo baaq u dirtay dhinacyada ku dagaallamaya Itoobiya,Suudaan iyo DRC

0
434

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ambasadoor Raychelle Omamo ayaa dhinacyada ku dagaallamaya waddamada Itoobiya ,Suudaanta Koonfureed iyo jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ku boorrisay inay nabadda qaataan.
Waxay kula talisay inay ku dayasho wanaagsan ka dhigtaan heshiiskii taariikhiga ahaa ee sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha ODM Raila Odinga.
Hadalkan ayay jeedisay xilli ay shalay kulan la yeelatay safiiro kala duwan.
Omamo ayaa carrabka ku adkeysay in sida keliya ee gobolka xasilooni waarta loogu soo dabbaal karo ay tahay in iyadoo lagu dayanaya Uhuru iyo Raila ay garabyada isku haya siyaasadda saddexda waddan tanaasul sameyaan.
Waxay ku celcelisay inay lagama maarmaan tahay in khilaafyada jira qaab wada hadal ah lagu xalliyo.