DHAGEYSO:Raila oo sheegay inuu kordhin doono miisaaniyadda ismaamullada

0
520

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya Raila Odinga ayaa shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Kisii.
Waxaa uu ballanqaaday in haddii uu hoggaanka wadanka la wareego uu miisaaniyadda dowladda dhexe ay siiso ismaamullada uu gaarsiin doono boqolkiiba 35.
Raila Odinga ayaa sidoo kale tilmaamay in aan laga gudbin qorshihii xeer beddelka ee BBI balse sida uu hadalka u dhigay nasasho lagu jiro.

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto oo maanta kulan la qaatay barayaasha jaamacadda ayaa dhankiisa sheegay inay maalgelin doonaan dhinacyada mudnaanta u leh wadanka.