Madaxweynaha dalka oo amar siiyay wasaaradaha gudaha iyo warfaafinta

0
397

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa wasaaradaha arrimaha gudaha iyo isgaarsiinta ku amray inay la yimaadaan qaabab sare loogu qaadaya awoodda waaxda qaabilsan la dagaalanka dembiyada lagu fuliyo agabka kala duwan ee baraha intarneetka.
Qaybtan ayaa adeegsan doonto shaybaarka casriga ee uu maanta ka hirgeliyay xarunta dhexe ee dambi baarista wadanka.
Waxaa uu Mr. Kenyatta amar ku bixiyay in dhammaan saraakiisha la tacaala dembiyada intarneetka qasab looga dhigo inay qaataan barnaamij soconaya oo lagu xoojinaya aqoontooda.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’I ayaa dhankiisa madaxweyne Kenyatta uga mahadceliyay inuu dardargeliyay dhisidda hay’ado isbeddel ka sameeyay dhanka amniga oo kenyaanka u suurtageliyay inay helaan adeegyo tayo ahaan la wanaajiyay.
Waxaa uu wasiirku sheegay in tan iyo sanadkii 2013-kii inay madaxweyne Uhuru Kenyatta ka go’anayd hirgelinta barnaamijyo lagu xaqiijinaya badqabka nolosha shacabka iyo ilaalinta hantidooda.