DHAGEYSO:Ruto oo sheegay in ay jiraan dad aan jecleysan socdaallada uu ku tago qaybaha dalka

0
574

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo maanta ku sugan ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka ayaa sheegay in socdaalka uu ku tago deegaannada kala duwan ee wadanka aynan farxad gelin shakhsiyaadka qaar.
Waxaa uu mar kale dadweynaha ku nool ismaamulkaas uga mahadceliyay in sanadkii 2017-kii ay u codeyeen isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in ay jiraan waxyaabo dhanka horumarka ah oo u suurtagalay dowladda dhexe iyo kuwo hadda gacanta lagu hayo .
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa xusay in mas’uuliyad dastuuri ah ay ka saaran tahay fulinta ballanqaadyadii uu sameeyay maamulka Jubilee.