Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Makueni ayaa raadinaya aabe lagu eedeyay inuu dilay gabadhiisa oo 11 sano jir ah halka uu wiilkiisana dhaawacay.
Arrintan ayaa laga soo tabiyay tuulada Kilungu B ee deegaanka Kibwezi.
Guddoomiyaha tuuladaasi Willy Kalovya, ayaa sheegay in dilka iyo dhaawaca carruurta ay dhaceen saqdii dhexe ee xalay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninka falkan gaystay uu khilaaf kala dhexeyay xaaskiisa.
Wiilka uu aabihii dhaawacay ayaa hadda lagu daweynaya isbitaalka deegaanka Kibwezi ee Makueni.