Doorashada Faransiiska oo aan si wayn loogu soo bixin

0
450

Waxaa lagu soo warramayaa inay weli hooseyso tirada codbixiyeyaasha ee u soo baxay ka qaybgalka doorashada baarlamaanka ee maanta ka billaabatay wadanka Faransiiska.
Tirada dadweynaha ee ku sugan goobaha codbixinta ayaa 12-kii duhurnimo ee maanta lagu sheegay boqolkiiba 18.43.
Dadweynaha ayaa soo dooranaya ilaa 577 xubnood oo ku biiraya golaha hoose ee xeer dejinta.
Goobaha codbixinta ayaa furmay 8-dii subaxnimo waxaana tartamaya ilaa 6000 oo musharraxiin ah.
Tartamayaasha wareegga koowaad ee codeynta ka helo codad badan ayaa la filaya inay 19-ka bishan u gudbaan wareegga labaad oo lagu kala hari doono.
Xisbiga madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dadaalaya inuu aqlabiyad ku yeesho baarlamaanka in kastoo uu tartan kala kulmaya isbeheysiga garabka bidix.