DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo beeniyay inay mamnuucayaan dharka hudheyda ah

0
444

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka la faafiyay ee sheegaya in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga uu mamnuuci doono ka ganacsiga dharka hudheyda ah haddii uu hoggaanka wadanka qabto.
Waxaa uu xusay in tani ay tahay dacaayad siyaasadeed oo ay adeegsanayaan mas’uuliyiinta Kenya Kwanza.
Mr. Musyoka ayaa carrabka ku adkeeyay inuu goobjoog ahaa xilligii uu Raila soo bandhigayay qorshihiisa siyaasadeed sidaas awgeedna uunan ra’iisul wasaarihii hore ee dalka sheegin inuu mamnuuci doono ganacsigan.

Shalay ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ku sugnaa ismaamulka Laikipia uu Raila Odinga ku dhaliilay inuunan qadarin shakhsiyaadka ka ganacsado dharka hudheyda ah.