Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo shalay ka qayb galay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha wadanka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in labada dowladooda ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan arrimaha nabadgalyada ee gobolka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu aad u daneynaya xoojinta daris wanaagga , iskaashiga dhaqan-dhaqaale iyo xasiloonida gobolka oo ay shacabka Kenya iyo Soomaaliya labaduba dani ugu jirto.
Mr. Kenyatta ayaa xusay inuu fahansan yahay in nabadgalyada iyo horumarka dhaqaale ee dalka uu ku tiirsan tahay soomaaliya oo nabad ah.
Sidoo kale waxaa uu munaasabadda caleema saarka ka sheegay in muwaadiniinta dalka ay rajeynayaan in nabad waarta lagu soo dabbaalo Soomaaliya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhigiisa wadanka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku ammaanay sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta arrimaha dhaqaalaha iyo nabadgalyada.
Mr. Kenyatta waxaa uu sidoo kale soo dhaweeyay in Soomaaliya ay ka dhacday xil wareejin nabad ah.
2/2
Speaking during the inauguration ceremony, President Kenyatta said Kenya’s desire is to consolidate and forge closer relations for the good neighbourliness, socio-economic cooperation and regional stability which is in the best interest of the people of the two countries. pic.twitter.com/WOumVh3DCf— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 9, 2022