Maraykanka oo sheegay inuu Kenya kala shaqeynaya doorasho xor ah

0
258

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in xukuumadda Washington ay ka go’an tahay sidii ay Kenya uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo natiijada ka soo baxdo.
Waxaa uu soo dhaweeyay tallaabada guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu ku ansaxiyay musharraxiinta xilka madaxweynenimo oo si rasmi ah u billaabay ololahooda ku aaddan codeynta guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Blinken ayaa xusay inuu bishii hore wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Ambasadoor Raychelle Omamo u sheegay in Maraykanka uu dowladda dalka garab ku siin doono qabsoomidda doorasho xor iyo nabad ah.