Madaxa xisbiga Thirdway Alliance oo dacwad ka gudbiyay IEBC

0
604

Madaxa xisbiga Thirdway Alliance ,Ekuru Aukot ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Guddoomiyaha guddiga Mr. Wafula Chebukati ayuu si gaar ah ugu eedeynaya inuusan dhexdhexaad ka noqon geeddisocodkii lagu soo xulay afar musharrax oo u tartamaya xilka madaxtinnimo ee wadanka.
Aukot ayaa ka soo horjeeda go’aankii IEBC ay uga hor istaagtay u tartamidda hoggaanka Kenya.
Hoggaamiyaha Thirdway Alliance oo ay matalayaan qareeno ayaa cabashadiisa hor dhigay kooxda IEBC u qaabilsan dhageysiga iyo xallinta murannada.