Dowladda Kenya ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay u soo jeedisay inuu sare u qaado dhaqaalaha la siiyo guddiga jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan baaritaannada lagu xoojiyo isla xisaabtanka ka dhanka ah falal dambiyeedyada kooxda Daacish ee (UNITAD).
Ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Kenya ku matalo xafiiska qaramada midoobay ee New York ee Maraykanka Mike Kiboino ayaa baaqan soo saaray.
Waxaa uu bayaan ku xusay horumarka uu sameeyay guddiga UNITAD si gaar ah isku dubaridka xog uruurinta.
Kiboino ayaa bogaadiyay dadaallada ISIS lagula xisaabtamaya dembiyada ay gaysato oo ay ka mid yihiin kuwo lagu bartilmaameedsado haweenka, gabdhaha yaryar iyo kooxaha laga tirada badan yahay ee dalka Ciraaq.
Sidoo kale waxaa uu Mike Kiboino carrabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaan u tahay in si siman loola dagaallamo dhammaan kooxaha argagixisada.
Madaxa UNITAD ,Christian Ritscher, ayaa dhankiisa xusay inay qasab tahay in la aqoonsado oo si heer qaran iyo heer caalami ah dacwad loogu soo oogo cid kasta oo qayb ka ah amni darrada.