Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa shalay goobjoog ka ahaa munaasabad xilalkooda loogu dhaarinayay wasiir iyo sarkaal sare oo cusub oo uu soo magacaabay si ay u buuxiyaan jagooyin ay iska casileen saraakiishii hayay.
Howlwadeennada shalay la dhaariyay ayaa kala ah wasiirka horumarinta ganacsiga iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdi iyo sarkaalka sare ee waaxda qorsheynta dhaqaalaha iyo xogaha ee ismaamulkaasi Cabdiraxmaan Sharfe Hajir.
Waxaa mas’uuliyiintan xilalkooda u dhaariyay garsoore sare Cosmos Maundu.
Mas’uuliyiintii jagooyinkan horay u hayay ayaa sheegay inay isku casileen dano siyaasadeed iyo arrimo kale oo u khaas ah.
Barasaabka Garissa ayaa howlwadeennada la dhaariyay ku boorriyay inay si daacadnimo ay ku dheehan tahay ay xafiisyadooda ugu adeegaan bulshada.
Xafladda dhaarinta ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xoghayaha dowladda ismaamulka Garissa Cabdi Muxumad Cali iyo Ismaaciil Dabbar oo ah xeer ilaaliyaha ismaamulkaasi.