DHAGEYSO:William Ruto oo ka hadlay xallinta dhibaatooyinka dhaqaale ee Garissa

0
242

Siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza oo uu hor kacaya musharraxooda madaxweyne ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa shalay kulan ku saabsan arrimaha dhaqaalaha ku qabtay ismaamulka Garissa.
Ruto ayaa sheegay in dowlad deegaannada Garissa iyo Wajeer ay leeyihiin awood dhaqaale oo in laga faa’iidaysto ay ka billaabanaysa helidda daaq ku filan xoolaha iyo biyo kaafinaya baahiyaha bulshada.
Waxaa uu sheegay in awoodda dhaqaale ee wax soo saarka dalka aan weli si dhameystiran looga faa’iidaysan sidaas awgeedna mustaqbalka wadanka uu ku jiro awood siinta beeralayda.
William Ruto oo ka hadlayay tabashooyinka ay dadweynaha Garissa qabaan iyo sida ay u xallin doonaan ayaa yiri.

Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan loo baahneyn in dadweynaha waqooyi bari lagu dhibaateeyo arrimaha aqoonsiga iyo baasaboorka.

Ruto ayaa sidoo kale ka hadlay dilalka sharci darrada isagoo ballanqaaday in haddii hoggaanka uu qabto uu soo afjari doono arrintan.
Waxaa uu xusay in dastuurka dalka uu qeexaya in qofka uunan dembi lahayn ilaa iyo inta looga caddeynaya.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay ganacsiga xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

William Ruto ayaa sidoo kale ballanqaaday inay howlgelin doonaan sanduuqa Equalization Fund ee 14 ka mid ah ismaamullada wadanka dhanka horumarka loola simaya kuwa kale isagoo si gaar ah u tilmaamay in deegaannada loo yaqaano ASALs laga haqabtiri doono baahiyaha dhinaca biyaha iyo waddooyinka.