Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa maanta musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio la Umoja- One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua u oggolaaday inay si rasmi ah ugu biiraan tartanka loogu jiro qabashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii saraakiisha IEBC ay sameyeen dabagal ah in Mr. Odinga uu soo gudbiyay dhammaan dokumeentiyadii looga baahnaa musharraxiinta.
Guddoomiyaha guddiga IEBC ,Wafula Chebukati ayaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi sidatan uga dhawaaqay ansaxinta Raila iyo Karua.
Raila Odinga ayaa ansaxinta ka dib dhankiisa guddiga IEBC ugu baaqay inuu sida habboon uga soo baxo waajibaadkiisa oo uu hubiyo in doorashada guud ay tahay mid xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo natiijadeeda.
Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay inay ku kalsoon yihiin guddiga IEBC sidaas awgeedna laga doonayo inuu ka dhabeeyo rajada kenyaanka.
Sidoo kale waxaa uu shacabka ku boorriyay inay nabadda ku dadalaan ka hor doorashada, inta ay socoto iyo marka la soo gabagabeeyo ka dib.
Raila Odinga ayaa xaqiijiyay in isaga iyo taageerayaashiisa ay u hoggaansamayaan xeerarka u degsan doorashooyinka wadanka.
Mr. Odinga ayaa sidoo kale qareen lagu magacaabo Saitabao Ole Kanchory u magacaabay wakiilka sare ee u qaabilsan doorashada waxaana ku xigeen u noqonaysa barasaab ku xigeenka Nyeri Dr.Caroline Karugu iyo mas’uuliyiin kale.
Raila Odinga of Azimio Coalition is the fifth political party Presidential candidate to be cleared by @IEBCKenya after Walter Mongare (Umoja Summit Party), Prof. George Wajackoyah (Roots Party), David Mwaure Waihiga (Agano Party), William Ruto (United Democratic Alliance) #GE2022 pic.twitter.com/GTsXE6kLcc
— IEBC (@IEBCKenya) June 5, 2022