Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamullada Kirinyaga iyo Kisii ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan tallaabada maanta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu Raila Odinga ugu oggolaaday inuu ka mid noqdo musharraxiinta madaxweyne ee doorashada bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Dadweynaha ayaa arrintan soo dhaweeyay iyagoo siyaasiyiinta ugu baaqay inay ololahooda u sameystaan qaab nabad ah.