11 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kitui

0
518

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 11 qof oo rakaab ah ka dib markii baabuur siday uu waddada ka baxay oo uu rogmaday.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay meel u dhow isgoyska Kanyonyo ee ismaamulka Kitui.
Guddoomiye ku xigeenka tuulada Kanyonyo Jacob Mueti ayaa warbaahinta u sheegay in shilka uu dhacay abaare 11-kii habeenimo ee xalay.
Waxaa uu intaasi ku daray in baabuurka shilka galay uu ahaa nooca loo yaqaano mataatuuda ee qaada 14-ka qof.
Dadka shilka ku dhintay ayuu Mueti xusay inay ka soo laabteen munaasabad doonitaan ama tuugmo ah oo ka dhacaysay magaalada Mwingi.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay in darawalka uu gaariga xakameyn waayay maadaama uu isku dayayey inuu baabuur kale ka horumaro.
11-ka qof ee shilka ku dhintay ayaa loo qaaday xarunta meydadka la dhigo ee isbitaalka heerka afaraad ee Kitui Level 4 Hospital .
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro dhaawac lagu daweynaya isbitaallada Matuu ee Machakos iyo Kenyatta ee Nairobi.