Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya , Raila Odinga ayaa lagu wadaa inuu maanta warqadihiisa u gudbiyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC.
Waxaa uu abaare 10-ka barqanimo tagi doonaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi si guddiga IEBC uu u xaqiijiyo in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu buuxiyay shuruudaha laga doonayo musharraxa madaxweyne.
Afhayeenka xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee Raila , Prof. Makau Mutua ayaa sheegay in ka dib marka ay ka soo gudbaan Bomas ay isku soo bax siyaasadeed ku qaban doonaan Nakuru.
Dhanka kale gelinka dambe ee berri ayuu Mr. Odinga si rasmi ah u soo bandhigi doonaa qorshihiisa ku aaddan waxyaabaha uu doonaya inuu u qabto kenyaanka haddii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan loo doorto xilka hoggaanka.