Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ilaa 170 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab xooggan oo ka kacay goob lagu kaydiyo konteenarrada oo ku taalla koonfurta dalka Bangladesh, sida ay saraakiishu sheegeen.
Sarkaal ka tirsan waaxda dab demiska ee wadanka Bangladesh oo lagu magacaabo Jalal Axmad ayaa sheegay in dabka uu ka kacay goob lagu keydiyo konteenarada oo qiyaastii 40 kiiloomitir u jirta dekedda muhiimka ah ee Chittagong ee dalkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tirada dhimashada ay sii kordhi karto iyadoo qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu aad u liidato.
Qaar ka mid ah 170 qof ee ay dhaawacyada kala duwan soo gaareen ayaa waxaa ku jira 40 saraakiisha dab damiska ah iyo 10 booliis ah.
Waxaa sidoo kale goobta ku dhintay saddex ka mid shaqaalaha waaxyaha dab damiska.
Warbaahinnada maxalliga ee dalka Bangladesh ayaa laga soo xigtay in tirada dadka ku dhaawacmay ay gaarayaan ilaa a 300 oo qof.
Kooxaha gurmadka degdeg ah ayaa wali ku dadaalaya sidii ay dabka u damin lahaayeen, iyadoo saraakiisha caafimaadka ay ka qayb qaadanayeen daweynta dadka dhaawaca ah.