Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo shalay shaaciyay inuu la shaqeyn doono musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja — One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa sheegay inuu fasax kooban ku jiray oo uunan iskaga bixin isbeheysigan.
Waxaa uu xusay in aan la oran karin inuu dib ugu biiray Azimio maadaama sida uu hadalka u dhigay uunan meelna ka aadin.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa xaqiijiyay inuu aqbalay xilka ra’iisul wasaaraha ee uu u ballanqaaday Raila haddii uu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ku guulaysto hoggaanka dalka .
Musyoka ayaa intaasi ku daray inuu go’aankiisi hore wax ka beddelay ka dib wada tashi dhinacyo badan ah oo uu la sameeyay siyaasiyiin, aqoonyahaanno, waxgarad iyo hoggaamiyaal diimeed.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ayaa dhankiisa isku soo bax ay mas’uuliyiintan si wadajir ah ugu qabteen xaafadda Mukuru Kwa Njenga ee magaalada Nairobi ka sheegay in wada shaqeynta isaga iyo Musyoka ay astaan guul tahay.
Madaxa xisbiga KANU Gideon Moi ayaa isna Kalonzo Musyoka ku ammaanay inuu dhinac iskaga dhigay hammigiisi madaxweynenimo isagoo qaranka u daneynaya