Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in dalkiisa laga haysto boqolkiiba 20

0
431

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay haystaan boqolkiiba 20 ee dhulka wadankaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xaaladda ugu daran ay ka taagan tahay magaalada Severodonetsk iyo deegaannada u dhow.
Zelenskyy oo xalay xilli dambe khudbad jeediyay ayaa tilmaamay inay jiraan magaalooyin badan oo ka tirsan Ukraine oo uu Ruushku weerar culus ku hayo.
Madaxweynaha Ukraine ayaa intaasi ku daray in saraakiisha militari ee xukuumadda Moscow ay abaabulayaan dadka ku nool gobolka Donbas oo ay horay u qabsadeen iyagoo dadweynaha u diraya inay safka hore ka galaan dagaalka.
Waxaa uu xusay inta uu dagaalka sii daba dheeraanaya inay sii dhaawacmaysa sumcadda Ruushka ee caalamka.