Kenya iyo Sweden oo ka wada shaqeynaya la tacaalidda isbeddelka cimillada

0
404

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha wadanka Sweden Magdalena Andersson.
Shirka laba geesoodka ah ayay mas’uuliyiinta diiradda ku saareen sida ay dowladahooda uga wada shaqeyn karaan wax ka qabashada isbeddelka ku yimaada cimillada.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay waddamada uu dhaqaalahoodu soo kobcaya laga doonayo inay arrintan iska kaashadaan.
Kenyatta iyo Magdalena ayaa ku heshiiyay adeegsiga dadaal loo dhan yahay oo lagu xallinaya wasaqeynta hawada.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in saameynta ugu wayn ee aan wanaagsanayn ee isbeddelka cimillada ay soo gaarto waddamada dhaqaale ahaan koraya.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay abaarta muddo afar sano oo xiriir ah ka jirta dalka.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in hadda la joogo xilligii wax laga qaban lahaa dhibaatadan ka hor inta aynan faraha ka bixin.