Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in marka la gaaro 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga ku guulaysan doono boqolkiiba 60 ee codadka dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Mr.Odinga uu ku guulaysan doono wareegga koowaad ee codeynta.
Kibicho ayaa arrintan ku saleeyay xog dhanka sirdoonka ah oo la helay.