SAWIRRO:Madaxweyne Xasan Sh oo booqday xerooyin barakacayaal oo ku yaalla Baydhabo

0
557

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) ayaa Booqday Kaamamka ay ku jiraan Dadka ay Abaartu Samaysay ee ku nool Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Waxaa kormeerkiisa ku wehlinayeen Wasiirka gargaarka,Maareynta iyo musiibooyinka Xildhibaan Khadiijo Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa u kuurgalayay xaaladda ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga la socday ayaa Warbixino waxaa ay ka dhageysteen Mas’uuliyiinta Kaamamka Barakacayaasha, waxaana ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay dadkaasi gurmad uga baahan yihiin.
Kaamamka Barakacayaasha oo uu Maanta kormeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay waxaa tegay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu wehlinayay ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.