Madaxa xisbiga NARC Kenya ahna ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Martha Karua ayaa madaxda siyaasadeed ku boorrisay in marka ay ku guda jiraan ololahooda aynan rabshad adeegsan.
Xilli ay ku sugnayd ismaamulka Nakuru ayay ka digtay in aflagaado loo gaysto madaxweynaha dalka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in qof kasta oo daneynaya inuu hoggaanka qabto ay tahay inuu qadariyo mas’uulka hadda talada haya.
Martha Karua ayaa carrabka ku adkeysay in siyaasiyiinta ay u madax bannaan yihiin inay dhaliilaan waxqabadka maamulka Jubilee iyagoo aan aflagaado adeegsan.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Martha Karua oo ku baaqday in aan la aflagaadayn hoggaamiyaha talada haya