Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa si kulul u cambaareeyay howlgallada militari ee ay ciidamada Ruushka ka wadaan gobolka Donbas ee dalkaasi.
Waxaa uu sheegay in saraakiishu ay shacabka xasuuqayaan.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in weerarrada ay horseedi karaan in gebi ahaanba gobolkaasi laga qaxo.
“Dhammaan waxyaabahan ay ka midka tahay tarxiilidda dadkeena iyo dil wadareedka shacabka waa siyaasad xasuuq oo iska cad oo uu adeegsanaya Ruushka “ ayuu yiri Zelensky
Kooxo gooni u goosad ah oo taabacsan xukuumadda Moscow ayaa tan iyo sanadkii 2014-kii , gacanta ku hayay qaybo ka mid ah gobolka Donbas hasa ahaate dowladda Ruushka ayaa hadda u muuqata inay ku dadaalaysa sidii ay gobolkaasi guud ahaan ula wareegi lahayd.
Dhanka kale waxaa uu madaxweyne Zelenskyy sheegay in loo baahan yahay in dowladdiisa aynan iska indha tirin xaaladda dhabta ah oo isaga iyo hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ay tahay inay si toos ah u wada hadlaan si dagaalka loo soo afjaro.
Waxaa uu xusay in tani aynan ahayn arrin ay xiiso u qabaan balse lagama maarmaan ah.