Waaxda qaran ee adeegga booliska ee NPS ayaa bayaan ay soo saartay ku dhaliishay hadal uu dhawaan jeediyay senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala.
Malala oo baaq u dirayay madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ayaa goob lagu qabanayay isku soo bax siyaasadeed ka sheegay in aan loo baahneyn in dhallinyarada doonaya ku biiridda ciidamada booliska ee wadanka lagu xiro aqoon.
Senatarka ayaa sida uu hadalka u dhigay sheegay in shaqada sarkaalka booliska ay tahay inuu qori sido si uu ammaanka u sugo sidaas awgeedna haddii qofka shaqadan daneynaya uu qabo labo lugood iyo labo gacmood aan loo baahneyn in shuruudo adag la hor dhigo.
Hasa ahaate hadalka senatarka ayaan u cuntamin afhayeenka ciidamada booliska dalka Bruno Shioso oo ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo liidaya saraakiisha ammaanka.
Shioso ayaa xusay in shaqada booliska ay tahay mid muhiim ah oo bulshada loogu adeego sidaas awgeedna aan loo baahneyn in lagu jees- jeeso.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in sugidda amniga ay aqoon ku saleysan tahay oo hubka uu yahay keliya mid xoojinaya gudashada waajibaadkan.
Bruno ayaa ugu dambeyn dhammaan ciidamada ammaanka iyo kenyaanka ku boorriyay inuusan saameyn ku yeelan hadalka ka soo yeeray senatarka Kakamega.