Gudaha dalka oo ay 1.5 milyan oo qof macluul ku wajahayaan

0
457

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa tilmaamaysa in 1.5 milyan oo Kenyaan ah ay wajahayaan cuno yari aad u daran.
Caqabaddan ayaa loo aaneyay saameynta nololeed ee ka dhalatay cudurka COVID-19 , isbedelka cimillada iyo Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah dalka ee xaalufiyay dhirta, dalaga beeraha iyo daaqa.
Warbixinta oo lagu eegay heerka gaajada ee ilaa 40 waddan oo ku yaalla caalamka ayaa Kenya ku qiimeysay buundada boqolkiiba 23.7.
Agaasimaha hay’adda warbixintan soo saartay ee Welthungerhilfe (WHH), u qaabilsan Kenya ,Kelvin Shingles ayaa sheegay in dalka iyo wadamo kale ay aad u dambeeyaan marka la eego haleelidda hiigsiga ah in sanadka 2030 dunida laga cirib tiro macluul.