Madaxweynaha dalka oo sheegay in BBI ay u fiican tahay ganacsiga

0
666

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in geeddisocodka lagu beddelayo dastuurka wadanka ee BBI uu yahay mid u wanaagsan jawiga ganacsi ee Kenya.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay soo jeedinta ah in dhallinyarada ganacsiga ku biiro aan muddo 7 sano ah canshuur laga qaadin.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in tani ay fududeyn doonto in ganacsiyada yaryar ee dalka ay sii jiraan ugu dambeyna kobcaan.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay in ganacsatada ay kaydsan doonaan dhaqaale badan oo uga bixi lahaa qaab canshuur ah.