Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa shaaciyay in tirada musharraxiinta madaxweyne ee doorashada bisha Siddeedaad ee sanadkan ay tahay 55.
14 ka mid ah tiradan waxay matalayaan xisbiyo siyaasadeed , hal musharraxa ayaa ka socdo isbeheysi iyadoo 40 ay qorsheynayaan inay si madax bannaan uga qayb galaan tartanka.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee wadanka ,Wafula Chebukati ayaa laga soo xigtay inay codsiyo soo dirsadeen 244 musharrax oo u hanqal taagaya jagada guddoomiyaha ismaamullada .
Waxaa uu intaasi ku daray in 167 ka mid ah shakhsiyaadkan ay ka tirsan yihiin xisbiyo siyaasadeed halka 77 ay yihiin musharraxiin madax bannaan.
IEBC ayaa qorsheynaysa inay 23-ka bishan Shanaad xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ay kulan kula qaadato musharraxiinta madaxweyne Chebukati ama wakiilladooda.