Raila Odinga oo ku sugan Suudaanta Koonfureed

0
422

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Raila Odinga ayaa ku sugan dalka Suudaanta Koonfureed.
Waxaa uu halkaasi kulan kula qaatay madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir Mayardit isagoo sheegay in taasi ay farxad u tahay.
Raila ayaa Twitter-ka ku shaaciyay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka dhanka kaabayaasha ee ay sameysay dowladda wadankaasi iyo sida ay uga go’an tahay inay kaashato dalalka kale ee Afrika.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Raila Odinga uu si rasmi ah u xariga uga jaro buundo dheerarkeedu yahay 3.6 kiiloomitir oo isku xiri doonto magaalada Juba iyo qaybaha kale ee bariga Afrika.
Buundadan oo si rasmi ah loo adeegsan doono laga billaabo bisha Toddobaad ee sanadkan ayaa dhismaheeda la soo billaabay sanadkii 2015 ka dib markii dowladaha Japan iyo Suudaanta Koonfureed ay kala saxiixdeen heshiis ku kacayay 52 milyan oo doolar.