DHAGEYSO:Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ka hadlay howlihiisa boqolka malin ee ugu hooreya

0
505

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hawlaha uu mudnaanta siinayo boqolka maalmood ee ugu horreeya xilkiisan cusub.
Madaxweynaha oo waraysi bixiyaay ayaa daaha ka qadaay waxyabaha uu qaban doona boqolka malmood ee hooreyo xukunkiisa
Waxaa uu sheegay inuu dhaqangelinayo tallaabooyin dhinaca amniga ah, xasillooni siyaasadeed iyo dib usoo kabidda dhaqaalaha isagoo sheegay in la ansixin doono sharciyada muhiimka u ah fulinta hawlahaas.
Amniga soomaaliya oo inta badan liito ayuu ka hadlay qaabka uu wajihi doona isaga iyo mamulkiisa.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay waxaa uu ka badali doona doorashada dadbaan ee dad badan aminsanyahay in waqtigeeda dhamaday xalna aysan uu aheyn hogganka dalka.
Xukumado badan oo soo maray Soomaaliya waxaa wax badan jirtay in aysan isla dhameysaan ra’isulwasaraha ugu hooreya ee la magacaabo iyo madaxweynaha la doortay arrimahasi oo wax laga weydiyaay ayuu sheegay in dastuurka dalka Soomaaliya uu bahanyahay dib uu eegis.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah ee soo socota kadib doorasho qaadatay in ka badan 10 saac oo dhawan ka dhacday Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012 illaa 2017, markaasi oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kaga adkaaday doorasho dhacday 7-dii Febraayo 2017.