Hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa Midowga Afrika ugu baaqay inuu kordhiyo maalgelinta uu ku bixiso la dagaalanka musuqmaasuqa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maalgelintan oo la kordhiyo ay hoos u dhigi karto falalka wax isdaba marinta iyo dembiyada abaabulan ee saameeya qaaradda Afrika.
Mr. Kenyatta oo soo xiganaya warbixinta hay’adda qaramada midoobay ee la dagaalanka isticmaalka daroogada iyo dembiyada ee (UNODC) ayaa sheegay in Afrika ay sanad kasta lumiso lacag dhan 88.8 bilyan oo doolar.
Dhaqaalahan ayuu hoggaamiyaha wadanka sheegay in la waayo maadaama ay dhacaan khaladaad dhanka maaliyadda ah.
Waxaa uu tilmaamay in lacagtan ay u dhiganto boqolkiiba 3.7 ee kobaca dhaqaale ee qaaradda ee (GDP).