DHAGEYSO:Nathiif Jaamac oo ka jawaabay eedeyn uga timid Cali Qorane

0
354

Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan ayaa ka jawaabay eedeyn uu maalmo ka hor u jeediyay barasaabka hadda hoggaamiyo dowlad deegaankaasi Cali Bunow Qorane.
Waxaa uu Mr. Bunow xilligaasi sheegay inay weli bixinayaan deymo badan oo uu ka tagay maamulkii Nathiif isagoo hadalkiisa sidan u dhigay.

Hasa ahaate barasaabkii hore ee ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac ayaa muuqaal la soo geliyay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga uga falceliyay eedeynta loo jeediyay isagoo faahfaahiyay qiimaha deynta ee lagu lahaa maamulkiisa markii uu talada wareejinayay sanadkii 2017-kii.