Wasiirrada maaliyadda ee dalalka ku mideysan dalladda G7 ayaa saaka ku shiri doono magaalada Koenigswinter ee galbeedka dalka Jarmalka.
G7 ayaa waxaa xubno ka ah toddobada wadanka ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha waxayna kala yihiin Canada, Faransiiska , Jarmalka , Talyaaniga , Japan, Ingiriiska , iyo Maraykanka.
Wasiirrada ayaa qiimeyn ku sameynaya sida duullaanka militari ee ay dowladda Ruushka 24-kii bishii labaad ee sanadkan ku qaadday Ukraine uu u saameeyay dhaqaalaha caalamka.
Waxay ku dadaalayaan inay xal u helaan dhibaatooyinka miisaaniyadeed ee ay wajahayso xukuumadda Kyiv.
Kulanka maanta furmaya ayaa la filaya inay ka soo baxaan qodobbo loo adeegsan karo in la isku dubarido falcelinta waddamada G7 ee ku aaddan wax ka qabashada xaaladda dhaqaale ee Ukraine.
Xoghayaha maaliyadda ee Maraykanka Janet Yellen oo warbaahinta kula hadashay magaalada Brussels ayaa sheegtay in caqabadaha maaliyadeed ee jiro aan muddo kooban lagu xallin karin.
Waxay saaxiibada Maraykanka ugu baaqday inay sare u qaadaan taageerada dhaqaale ee ay u fidinayaan dowladda Ukraine.