Dacwad ka dhan ah isbeheysiga Azimio oo maxkamadda la geeyay

0
489

Labo qof oo lagu kala magacaabo Kelvin Roy Omondi iyo Fatuma Saidi Sauti ayaa maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Mombasa dacwad u gudbiyay.
Kiiska ay hor dhigeen garsoore John Mativo ayay ku doonayaan in isbeheysiga Azimio ee uu hoggaamiyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga lagu qasbo inuu soo bandhigo waxyaabihii uu kula heshiiyay dhowr iyo labaatan xisbi oo ka tirsan dalladdan.
Dacwaddan ayaa la doonaya inay ka soo jawaabaan xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee dalka , guddiga doorashooyinka ee IEBC iyo isbeheysiga Azimio la Umoja -One Kenya .
Maalmo ka hor ayay ahayd markii xisbiyada PAA iyo MCC ee ay kala hoggaamiyaan barasaabyada Kilifi Amason Kingi iyo dhigiisa Machakos Alfred Mutua ay iskaga baxeen Azimio iyagoo ku andacooday in aan lala wadaagin faahfaahinta heshiis iskaashi ah oo ay horay u saxiixeen.
Hasa ahaate garsoore Mativo oo dacwaddan loo gudbiyay ayaa diiday inuu hakiyo adeegsiga heshiiskii lagu soo dhisay isbeheysiga Azimio ilaa iyo inta laga dhageysanaya dhinacyada ay arrintan khuseyso.