IEBC oo shaacisay xilliga la diiwaangelinaya musharraxiinta

0
637

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) ayaa sheegay in inta u dhexeysa 29-ka bishan Shanaad ee May ilaa 7-da bisha June uu diiwaangelin doono musharraxiinta u tartamaya xilalka kala duwan ee hoggaanka.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa hoosta ka xarriiqay in diiwaangelinta ka hor , saraakiil guddiga matalaya ay kulamo la qaadan doonaan tartamayaasha si loogu faahfaahiyo shuruudaha looga baahan yahay.
Howlwadeennada guddiga iyo musharraxiinta madaxweyne ayaa 23-ka bishan shir ku wada qaadan doono xarunta Bomas ee magaalada Nairobi laga billaabo abaare 8-da subaxnimo ee maalinkaasi.
Chebukati ayaa musharraxiinta u hanqal taagaya jagooyinka kale ee hoggaamineed u sheegay in lagu soo wargelin doono taariikhda iyagana lala shiraya.
Musharrax kasta oo madaxweyne waxaa looga baahan yahay in aqlabiyadda ismaamullada wadanka uu ku leeyahay ugu yaraan 2000 oo ka mid ah codbixiyeyaasha diiwaangashan wuxuuna guddiga u gudbinaya nuqulladda aqoonsiyada taageerayaashiisa.