Maxkamadda sare ee dalka ayaa sharci darro ku tilmaantay xeer dhigaya in siyaasiyiinta doonaya inay u tartamaan xilalka deegaan baarlamaneedyada ay haystaan shahaadada Degree.
Garsoore Anthony Mrima ayaa waxba kama jiraan uga soo qaaday arrintan oo uu bishii labaad ee sanadkan shaaciyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Guddiga ayaa xilligaasi sheegay in haddii siyaasiga uunan shahaadadan soo bandhigin aan loo ansaxin doonin inuu tartamo.
Hasa ahaate dabayaaqadii bishaasi ayaa waxaa xeerkan isbeddel ku sameeyay aqalka sare ee wadanka.
27 senetarro ah ayaa codkooda ku taageeray in la laalo qorshaha IEBC ee uu aqalka senate-ka hor geeyay senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen.
Maxkamadda ayaa go’aankeeda u cuskatay in markii xeerkan la dejinayay aan si buuxda looga qayb gelin dadweynaha si ay afkaartooda ugu biiriyaan.
Go’aanka maxkamadda ayaa noqonaya mid ay ku nafisaan musharraxiinta xildhibaananimo ee aan weli qaadan shahaadada jaamacadeed ee heerka loo yaqaano Degree.
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare oo go’aamisay inaynan qasab ahayn in xildhibaanka uu haysto Degree