Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafgi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka koonfur Galbeed, halkaasoo ay u tageen xallinta khilaafka ka taagan doorashada saddex ka mid ah kuraasta Baarlamaanka oo dib loo celiyay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga FEIT.
Xubno ka tirsan madaxtooyda Koofur Galbeed ayaa soo dhaweyay wafdiga, waxayna la kulmayaan madaxda sare ee maamulkaas oo uu ka mid yahay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Maamulka Koofur Galbeed iyo guddiga doorashadaee FEIT ayaa maalmihii la soo dhaafay isku maan-dhaafsanaa dib celinta saddexdan kursi, oo guddigu sheegay in doorashadooda aan loo marin habraac waafaqsan heshiiskii doorashada, halkaa Koofur Galbeedna ay sheegtay in si sax ah loo doortay.
Saddexdan kursi waxaa ka mid ah HOP103 oo uu ku fadhiyay guddiimihii hore ee Baarlamaanka Federalka Maxmed Osman Jawaari.
Gudoomiye Jawaari ayaa maamulka Koofur Galbeed ku eedeeyay inay ka hor istaageen inuu ka qeyb galo doorashada, inkastoo maamulka Koofur Galbeed beeniyeen sheegashadaasi
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa ‘dhaliilay hannaanka guddiga doorashada iyo ra’iisul wasaare Rooble ku wadaan habraaca dhammeystirka doorashooyinka Soomaaliya, xilli uu dhawaan magaalada Baydhabo kula shirayay xildhibaannada laga soo doorto Koofur Galbeed, kuwaasoo aan weli qaaday shahaadada xildhibaannimo.
Xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ayaa iska fogeeyay eedaha uu madaxweyne Laftagareen u soo jeediyay.
Horraantii toddobaadkaana, waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay wadahadallo u dhaxeeya madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka soo kala dhex-galay maamulka Koonfur-Galbeed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee ku aaddan xildhibaannada uu guddiga doorashadu sheegay in dib loogu noqonayo tartankooda.
Socdaalka guddiga doorashada ayaa kusoo beegmaya, xilli maalinta berri ah loo ballansanyahay dhaarinta mudaneyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya hadii aysan waxkale isbadalin.