DHAGEYSO:Mashiinada neef caawiyaha oo la gaarsiiyay lsbitaallada Dhuusamareeb iyo Guriceel

0
746

Ganacsato ka soo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug ayaa Mashiinada neefta siiya bukaanka waxay ugu deeqeen Isbitaalka guud ee Magaalada Dhuusamareeb iyo isbitaalka Istarliin ee Magaalada Guriceel.
Mashiinadaan ayaa waxaa isbitaalada gaarsiiyay oo loo soo Wakiishay Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug waxayna Agaasimaha Isbitaalka Dhuusamareeb iyo Wasiiru dowlaha Caafimaadka Galmudug u Mahadceliyeen Ganacsatada deeqdaan Bixisay maadaama Xiligaan baahi weyn agabkaan loo qabo Cudurka Covid 19 oo soo laba Kacleeyay awgiisa.

Dhanka kale shacabka danyarta ah ee ku nool deegaan hoos taga Degmada Mahadaay ee gobolka Shabellada dhexe oo ka cabanaya cuduro deegaankaas ka dilaacay.
Waxay sheegeen in Xanuunka Jadeecada oo deegaano Mahadaay ka tirsan ka dilaacay uu dilay ilaa 24 ruux, sidoo kale deegaanadaas waxaa ka jira Ayax xaalufiyay wax soo saarkoodii,Fatahaadaha iyo cuduradaasi.

Deegaano ka tirsan gobolka shabeellada dhexe ayaa laga soo sheegayaa xaalado binu’aadanimo maadaama ay fatahaado ku soo laabteen oo aysan waxba Beeraan sidoo kalena uu ayaxu saamayn weyn ku yeeshay dalagyadii yaraa ee ay beerteen.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Dhexe Axaed Mayre Makaraan ayaa sheegay inay dagaalameyaasha Al-Shabaab ay Caqabad ku yihiin shacabka deegaanadaas ku sugan.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegay in Al-shabab ay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe la wareegeen.