DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in wali uu mamnuuc yahay banaanbaxa

0
637

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa markale sheegay inaysan dowladda Soomaaliya marnaba ogolaneyn isku imaatin, xilli kiisaska cudurka Coronavirus ee gudaha dalku kordhay.
Waxaa uu intaas ku daray in dowladda ay mas’uul ka tahay dadka Soomaaliyeed badbaadadooda, isla markaana siyaasi dano gar ah leh uusan isku soo bixi karin shacabka maadaama ay dhibatao Caafimaad ku tahay.
Wasiirka oo ka qeyb-galayay Barnaamij looga hadlayay xaaladda dalka ayaa sheegay in Go’aankii dowladda Soomaaliya ku mamnuucday isku imaatinka dadweynaha uu yahay sidiisi.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegya in dowladda Soomaaliya ay ogoshahay in siyaasiyiinta ka aragtida duwan ay tagaan tv-yada kala duwan ee dalka Soomaaliya ka howlgala ayna dhiibtaan aragtidooda iyo dhaaliishooda

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa kusoo aadaya xilli Midowga musharixiinta ay markale ku dhawaaqeen dibadbax maalinka Jimcaha ee soo socota oo taariikhdu tahay 26 bishaan lagu qabanayo Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.