Maxkamadda ayaa dib u sii dhigtay inay go’aan ka soo saarto dacwad ka dhan ah xildhibaanadda deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi Aisha Jumwa.
Kiiskan oo la xiriira musuqmaasuqa ayay maxkamaddu mar kale eegi doontaa 15-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Tani ayaa Aisha Jumwa fursad u siinaysa inay si buuxda uga qayb qaadato ololaha siyaasadeed ee ku aaddan doorashada guud.
Sidoo kale waxaa Jumwa laga oggolaaday codsi ahaa in dib loogu yeero marqaatida kiiskan si loo sameeyo qiimeyn hor leh maadaama xarun kale loo wareejiyay garsoorihii dacwaddan gacanta ku haysay Edna Nyaloti.
Aisha Jumwa ayaa lagu eedeyay in si aan habbooneyn ay u isticmaashay lacag dhan 19 milyan oo shilin oo qayb ka ahayd sanduuqa horumarinta deegaan baarlamaaneedka Malindi ee CDF-ta.