Ra’iisul wasaaraha dalka Sri Lanka Mahinda Rajapaksa ayaa kumanaan dibadbaxayaal ah oo isugu soo baxay waddooyinka ku boorriyay inay is dejiyaan.
Waxaa uu baaqa mas’uulkan ku soo aadaya iyadoo shacabka ay ka soo horjeedaan xukunka qoyskiisa.
Dadweynaha ayaa sidoo kale muujinaya sida ay uga xun yihiin dhaqaalaha sii xumaanaya ee wadankaasi.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay shacabka Sri Lanka oo gaaraya 22 milyan ayaa wajahayay koronto la’aan , cunno yari , gaabad dhanka shidaalka iyo dawooyinka ah.
Deymaha shisheeye ee lagu leeyahay dowladda Sri Lanka ayaa gaaraya 25 bilyan oo doolar.
Xaaladaha hadda wadankaasi ka jiro ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu darnaa ee soo maro Sri Lanka tani iyo markii ay xornimada qaadatay sanadkii 1948-dii.