Ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan ay shaqo joojin sameyn doonaan iyagoo ka cabanaya in wasaaradda caafimaadka aynan weli bixin lacago ka maqan dhakhaatiirta iyo saraakiisha culuunta caafimaadka soo bartay ee ku jiro tijaabo shaqo oo aqoon kororsi ah.
Xoghayaha guud ee dalladda KMPDU ,Davji Atellah ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 300 oo sarkaal aan ila iyo hadda la howlgelin halka in ka badan 200 oo kale aan lacago la siin 6-dii bilood ee ugu dambeeyay.
Hoggaamiyeyaasha ururka dhakhaatiirta dalka ayaa wacad ku maray inay dhigi doonaan dibadbaxyo soconaya inta laga xallinaya caqabadda jirta.
Mudaharaadyada ayuu qorshuhu yahay inay billowdaan bisha Shanaad ee May.
Xoghayaha guud ee KMPDU ayaa sidoo kale madaxda ismaamullada wadanka u soo jeediyay inay dalbadaan in dowladda dhexe ay kordhiso miisaaniyadda dhaqaale ee ay siiso dowlad deegaannada.
Howlwadeenada caafimaadka ayaa ka soo horjeestay soo jeedin ah in boqolkiiba 4 ee miisaaniyadda qaran loo qoondeeyo waaxda caafimaadka.
Waxay sheegayaan in tani ay hoos u dhac tahay maadaama sanadkii hore lagu wareejiyay boqolkiiba 6 ee miisaaniyadda wadanka.
Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta ee KMPDU Dr. Abi Mwachi ayaa dhankiisa dowladda ku boorriyay inaysan fududeysan xaqiijinta badqabka shacabkeeda.